MUQDISHO:-Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 2.7 milyan oo qof oo Soomaali ah ay wajahayaan cunno la’aan ay sababeen roob yarida dalka ka jirta.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in sanadka 2021-ka ay saadaalinayaa in 5.9 milyan oo ruux macaluul soo food saarta.
15% dadkaas ayay sheegtay hay’addu in ay yihiin haween halka 66% ay yihiin carruur u baahan gargaar aadane.
Xafiiska Qaramada Midoobay ee arrimaha aadanaha ee OCHA ayaa sheegay in ay direen qeylo dhaan arrinkan ku aaddan.
Biyo yarida ayay hay’addu sheegtay in ay qeyb lixaad leh ka qaadanayso fiditaanka xanuunno fara badan oo iyana dadka soo wajahaya.
Qaramada Midoobay ayaa saaxiibbada beesha caalamka iyo hay’adaha bixiya gargaarka ka codsatay dhaqaale 1.09 bilyan oo dollar oo lagu badbaadinayo nolosha 4 milyan oo qof oo nugul, iyada oo intaa ku dartay in 2.5 % dhaqaalahaas haatan ay gacanta ku hayaan.