
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow ka soo degey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Waxaana la filaya inuu ka qeybgalo shirka Madaxda dowladda iyo dowlad Goboleedyada ee dhawaan ka furmaya Muqdisho,waxaana hore u sii joogay caasimada Madaxweyneyaasha Jubaland iyo Puntland.
Dhanka kale waxaan wali Muqdisho soo gaarin madaxweynaha Koonfur Galbeed Md C/Casiis Lafta gaeen.