Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa ka cudurdaartay inuu lugta soo mariyo madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, maadama ay degan yihiin xeydaabka Garoonka Aadan cadde.

Qoor Qoor ayaa dib ugu soo laabtay maanta Muqdisho ka dib safar shaqo oo uu maalmo ugu maqnaa dalka Turkiga.

Madaxweyne Qoor Qoor oo si weyn loogu soo dhoweeyay Garoonka ayaan u tegin madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland Axmed Madoobe iyo DENI oo degan meel aan sidaas uga fogeyn halka lagu soo dhoweeyay.

Madaxweynaha galmudug ayaa ka qeyb galaya shirka wada hadalada DF iyo maamul goboleedyada oo ka dhacaya Teendhada Afisyoone.