Post View....

Kumuu ahaa Cali Mahdi Maxamed? Madaxweynihii hore ee xalay geeriyooday

0
112

Isbitaal ku yaalla Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya waxaa maanta ku geeriyooday madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Cali Mahdi Maxamed, sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan qoyskiisa.

Wararka qaar ayaa sheegaya in uu maalmihii dambe la xanuunsanaa cudurka Covid-19.

Kumuu ahaa Cali Mahdi?

Cali Mahdi Maxamed waxa uu xilli lagu qiyaasay 1938-kii ilaa 1939-kii ku dhashay deegaan ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ee Soomaaliya.

Waxbarashadiisii aasaasiga ahayd wuxuu ku qaatay magaalada Muqdisho, isagoo markii dmabena wax barasho dheeraad ah u tagay dalka Masar.