Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed ayaa Caawa Maqribkii ku xijaabtay Magaalada Nairobi Ee Caasimada Kenya.
Madax kala duwan ayaa ka tacsiyadeysay Geeridaasi iyagoo ku tilmaamay mid ka mid ah Shakhsiyaadkii Caan ka ahaa Ee Dalka ka baxay.
Cali Mahdi Ayaa Eheladiisa waxay xaqiijiyeen in Labo Isbuuc ka hor isaga iyo Xaaskiisa aadeen Magaalada Nairobi oo Xaalad Caafimaad soo wajahday.
Xaaskiisa ayaa hadda Koomo ku jirta oo laga deyrinayaa Xaaladeeda iyadoo Xanuunka Labadooda hal mar uu wada qabtay iyagoo Muqdisho kuwada sugnaa.
Lama sheegi karo xanuunkaasi oo Qoyska Cali Mahdi ma aysan la wadaagin Warbaahinta waxa loo maleenayo Arintaan Qoyska soo food saartay.
Wararka Qaar Ayaa sheegaya in la sumeeyey oo Lamaanahaasi Shirqool loo dhigay iyadoo weli faah faahino badan taas laga helin.
Aqoonyahan Yaxye Caamir oo 40 Sano kudhawaad ay is yaqaaneen Cali Mahdi Marna ay wada shaqeeyeen ayaa ka waramaya waxa uu ka yaqaano Marxuumka.
[youtube https://www.youtube.com/watch?v=HiSfirp4dwU]