Post View....

Jamhuuriyadda Madaxa Banaan ee Baraawe.=Warbixin Dheer=

0
134

Waxaa jiri jiray Wakhti loo yaqiin Jamhuuriyadda Baraawe, “Barawe Republic” inta aanan taa u gudbin bal aan Taariikhdeeda soo koobno.
Qoraalada qaar ayaa qabo in Baraawe la aasaasay Sannadkii 900 ee Miilaadiyada uuna asaasay Aw Cali oo ahaa Qabiilka Dacfarad ee Tunnida. Tunnidda oo ka koobneed 5 Jilib oo kala ahaa: Dacfarad, Dakhtira, Goygali, Hajuwa iyo Waridi.
Waxay lahaayeen Boqortooyadii Tunnida. Waxay Qabiilka kale ee Jiidada kula heshiiyeen in xuduudoodu ay noqoto Labada dhinac ee Wabiga Shabeele iyo in aan cid kale la soo degin, heshiiskaa oo loo yaqiin “Heshiiskii Saddax Saamoodle” oo ahaa in aan lagu arag dhulkaa Raad ka badan Saddax, oo aan loo ogolaan cid aan aheyn Saddax Saamoodle oo ey ula jeedeen Tuni, Jiido iyo Duurjoogta oo kaliya, in kasta oo Qarnigii 10aad ey u ogolaadeen Muslimiintii soo haajirtay sida Xatamiyiinta Yaman, iyo Amaawiyiinta Siiriya arrimo Diineed iyo kuwo Ganacsi dartood.
kadibna Baraawe waxa ey noqotay meel Dad badani ey u soo doontaan barashada Diinta Islaamka sida Qoraaladooda ey ku cadeeyeen Ibnu Saciid iyo Al-Idriisi oo ahaa Culumo taariikhda wax ka qori jiray. Waxaa kale oo ey leheyd Xarumo Ganacsi iyo Warshado yar yar oo lagu sameeyo Qalabka farshaxanka, Dharka ilindiga, Koofida barawaanka, Kabaha, Qalabka dagaalka, Sariiraha Catiirka iyo kuwa kale ee raaxada.
Badmareeno iyo Taariikh yahano Shiinees ahaa oo Sannadkii 1400 wax ka qoray Magaalo Xeebeedyada Somalida sida: Mogadisho, Cadale, Marko, Kismayo iyo Barawe, ayaa qoray in wakhtigaa Magaalada Barawe uu Darbi ku wareegsanaa eyna leheyd Guryo aad u qurxan iyo xarumo Ganacsi. ( F.S: 1-6aad) .
Shiinuhu waxa ey keeni jireen Dharka Xariirta ah, Bariiska, Maacuunta iyo waxyaaba kale, waxa eyna ka qaadan jireen: Maqaarta Shabeelka iyo Libaaxa, Faanta Maroodiga , Xabkaha la shito ee wax lagu carfiyo iyo waxyaabo kale.
Sannadkii 1506 dii Barawe waxaa soo weeraray Ciidanka Badda ee Burtaqiiska si ey u qabsadaan Magaalada , qoraalada qaar ayaa leh ugu horeynba waxaa Difaaca Magaalada ka qeyb galay 1000 Qof oo ahaa Dadkii deegaanka, kadibna waxaa u soo Gurmaday Dadkii deganaa hareeraha Magaalada.
Inta Badan Qoraaladu waxa ey isku raaceen in Dagaalku uu socday 3 Cisho oo kaliya, in kasta oo ey Burtaqiisku isticmaalayeen Hub culus , Somaliduna ey isticmaaleysay Midiyo, Warmo iyo Falaaro , markii Gudaha Magaalada la isla soo galay Burtaqiiskii waa lagu jabiayay, Dadkii Reer Barawena waxaa uga dhintay 1500 Dagaalyahan sida ey cadeeynayaan Qoraalo ey qoreen Taariikhyahanadii hore. Burtaqiisku waxa ey saddaxdaa Cisho ku dhaqaaqeen Bililqo iyo in ey qaateen wax yaabihii qiimaha lahaa ee Magaalada yiil.
Dadka qaar ayaa aaminsan aragti khalad ah, taa oo ah in Reer Baraawaha Cad cad qaarkood ey ka soo jeedaan Burtaqiis taasi waa “Been”, Burtaqiis waxa uu joogay Magaalada 3 Cisho oo dagaal ah, Dhaawicii ey ka carareen Burtaqiiskuna waa la wada laayay, Haweenkiina waa laga qixiyay Magaalada intii Dagaaku socday, dib dambena Burtaqiisku uma soo noqon, waa sida Taarikhyahano badini ey isku raaceen.
Sannadkii 1848 Badmareenkii Caanka ahaa ee Faransiiska Mr. Guillain oo Booqday Barawe ayaa la yaabay heerka uu gaaray Ganacsiga Magaaladu iyo Habka uu u shaqeeyo Maamulka Magaaladu oo ahaa Hab “Republic” ah iyo sida wada jirka ah oo Go’aanada ey u wada gaaraan Madaxda 5ta Tuni, Xatimi, Biida iyo kuwa kale oo markaa Magaalada maamulayay, iyo sida ey shuruucda ey u fuliyaan.
“Map” kii ama Muuqaal Joqoraafiyedkii hore oo ey isticmaali jireen Badmareenadu waxaa ku qornaa Jamhuuriyada Baraawe “Barawe Republic” taa oo muujinee in ey u arkayeen Jamhuuriyad ka madax banana Deegaanada kale oo kaligeed laheyd Nidaam Dowli ah oo ey isku maamusho. Bilawgii Sannadkii 1800, Sudaankii Zensibar Sayid Barqash ayaa Zinsibar ku Casuumay qaar ka mid ah Madaxdii Reer Baraawe sida Sh. Muxudiin Bin Sh. Cabdullahi si uu ugala hadlo arrimo Ganacsi.
Dadka Reer Barawe waxa ey ahaayeen Dad Diinta aad ugu dhagan oo dhaqan wanaagsan taa oo ey ka dhaxleen Waalidiintoodii hore iyo Culumadoodii Dhinaca Diinta ee uu ka midka ahaa Wadaadkii caanka ku ahaa Dalka Gudihiisa iyo Dibaddaba ee Sh. Aweys Al Qaadiri. Sheik Aweys Al-Qadiri oo ahaa Reer Barawe iyo Culumada kale ee Reer Barawe oo sida aadka ah loo xushmeeyo oo ey ka midka ahaayeen: Sh. Nuuraani Bin Axmed Saabir, Sh. Qaasim Al Baraawi , Sh. Xaaji Sadiiq , Sh. Macallim Nur Xaaji Cabdulqaadir, Sh. Mubiidi, Akhwaan Cabdow Munye, Sh. Cumar Hiraabe, Sh. Maxamed Guduudow iyo Culumo kale oo badan dhamaantoodna ahaa Reer Barawe.
Sh . Aweys Al Barwi iyo Xertiisii ayaa Dagaal kala hortagay Talyaaniga waxana Shiikha laga guuleystay Sannadkii 1908dii, kadibna Shiikhu waxa uu u guuray Deegaanka Biyooley halkaa oo uu ka asaasay xarun cusub oo Diinta uu ka sii fidiyo, Gumeysigana kala dagaalo, laakin Sannad kadib waxaa halkaa ku soo weeraray Ciidamadii Daraawiishta oo Shiikhii halkaa ku dilay Sannadkii 1909 kii Labad dhinac waxaa ka dhexeeyay khilaaf dhinaca Diinta ahaa. waxaa bedelay Shiikha oo xilkiisii sii waday Khaliif Sheikh Faraj oo isna la dilay Sannadkii 1925 tii.
Markii Gumeystihii Talyaanigu uu Shiikha uga adkaaday Dagaalkii, ayuu Talyaanigu Barawe Maxmiyad ka dhigtay Sannadkii 1908 dii, Laba Sanno Kadib ayuu Talyaanigu ku soo biiriyay Barawe Mustacmiradiisii Somalida, Sannadkii 1910kii.
Culumada Diinta ka sokow waxa jira Dad kale oo Deegaanka Barawe ka soo jeedo oo Taariikhda iyo Siyaasadda Somalida Caan ku ahaa oo ey ka mid ahaayeen Md. Cabdulqaadir Sakhaawu diin iyo Maxamed Cusman Barbe oo labaduba ka mid ahaa 13 kii asaase SYL ee u dagaalamay Xuriyadda. Waxa kale oo jiray hogaamiyaal kale oo Magac ku leh Somalida dhaxdeeda sida: Suldaan Aw Faqi Xaaji Aweys, Xaaji Cumar Sheegow, Xaaji Cabdulqadir, Xaaji Beytula iyo kuwa kale. Haweenka Caanka ahaa ee Reer Barawe waxaa ka mid aheyd: Mana Sitti Xabib Jamaluddin oo badanaa loo yaqiin Dada Masiti oo aheyd Reer Barawe nooleedna ( 1810-15 july 1919) oo caan ku aheyd Suugaanta iyo Diinta, aheydna Qabiilka Ashraafta ee Reer Barawe.
Baraawe wakhti ayey aheeyd Magaalo Dunida Caan ka ah, wadamada qaarna ey u yaqiineen Jamhuuriyada Barawe, ” Barawe Republic” loolana macaamili jiray sida Dowlad madaxbanaan.
FG: Arragtidaada Xur ayaad u tahay, Wixii aan ka khalday iga sax, wixii ka dhimanna ku dar.
Qore: Yahya Amir

About Author