Post View....

Guddoonka Golaha Shacabka oo ka tacsiyeeyay geerida xildhibaan Boonow

0
114

War qoraal ah oo ka soo baxay guddoonka golaha shacabka ayaa looga tacsiyeeyay geerida xildhibaan Maxamed Maxamuud Boonow oo saaka ku geeriyooday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

“Guddoonka Golaha Shacabka BJFS ayaa uga tacsiyadeeyay dhammaan xildhibaanadda Golaha iyo bulshada Soomaaliyeed geeridii ku timid Xildhibaan Eng. Maxamed Maxamuud Boonoow oo magaaladda Baydhabo ku geeriyooday” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Gudoonka Golaha Shacabka sidoo kale waxay si gaar ah ugu tacsiyadeeyeen qoyskii, iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Allah u naxariistee, Xildhibaan Maxamed Boonoow sidoo kalena ahaa wasiiru dowlihii wasaaradda Amniga gudaha, waxaana marxuumka uu kamid ahaa ragga waaya aragga ah ee ku jiray baarlamaanka Soomaaliya muddo dheer” ayuu lagu soo gunaanaday bayaanka.

About Author