Post View....

Farmaajo oo looga digay in uu qabto shir hal dhinac ah.

0
133

Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ayaa ku boorisay madaxweynaha Mudo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu qabto shir ay u dhanyihiin dhamaan dhinacyada ku lugta leh doorashooyinka wadanka uuna ka fogaado shir haldhinac ah.

“Waxaan ka dalbaneynaa @M_Farmaajo xaqiijinta kawada qeybgalka shirka iyo in uu kusoo dhamaado heshiis doorasho” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho.

“Waxaan ka codsaneynaa Saciid Cabdullaahi Deni, Axmed Maxamed Islaam, Axmed Cabdi Kaariye, Cali Guudlaawe iyo Cabdicasiis Laftagareen in ay ka qeybgalaan shuruud la’aan” ayaa la sii raaciyay.

About Author