Post View....

Senator Axmed Nadiir: “Shirka si uu u guuleysto waa in la wada-hadlaa”.

0
156

Senator Axmed Macalin Cumar (Axmed Nadiir) oo la hadlay Badweytims  ayaa ku baaqay in laga miro-dhaliyo wadahadalka u socda Madaxda Federaalka & Dowlad-Goboleedyada si loo hago qorshaha lagu hirgelinayo Doorashooyinka Dalka.

Axmed Nadiir ayaa tilmaamay in wadahadalka uu muhiim u yahay in la isku fahmo ka gudubka caqabadaha hortaagan in ay dhacdo doorashooyinka lagu ballamay 17-kii September 2020 loona gudbyay labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya & heshiiskii ka dhacay Baydhabo 15-kii & 16-kii Febaraayo 2021.

Madax-Goboleedyada Puntland & Jubbaland waxa uu ugu baaqay in ay gogosha tagaan si ay usoo bandhigaan eedaha ay tirsanayaan maadaama isla hadalka lagu dhammeyn karo khilaafaadka siyaasadeed ee taagan.

“Si uu shirkaan u guuleysto waxa aan leeyahay waa in ay ku biiraan Madaxweynayaasha DG Puntland & Jubbaland si loo dhaliyo heshiis, rajada aan ka qabo kulanka waa mid wanaagsan oo waxa aan isleeyahay natiijo ayaa kasoo bixi karta” Sidaasi waxaa yiri Senator Axmed Nadiir.

Waa uu sii hadlay Senator Nadiir waxaana uu soo jeediyay in heshiisyada laga gaaray Doorashooyinka meelo wanaagsan la gaarsiiyay balse is faham-darrada yar loo baahan yahay in xal loo raadiyo si dalka ay uga dhacdo doorasho sida uu hadalka u dhigay.

“Shirkaan oo aan isleeyahay waa dhammeystirkii ugu dambeeyay ee lagu aadi lahaa doorashooyinka, waxaa loo baahan yahay in la dhaqangeliyo heshiiska guud ee 17-kii September dhacay & kan lagu dhammeeyay caqabadaha yaryar ee Baydhabo ka dhacay Febaraayo 2021, waddanka waxa uu u baahan yahay Doorasho” ayuu yiri Senator Axmed Nadiir.

 

About Author