Post View....

Duqa Muqdisho oo Guddoomiyey kulan looga hadlayay Amniga caasimadda+Sawirro

0
96

Muqdisho:- Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Magaalda Muqdisho Mdane Cumar Maxamuud Maxamed Filish  ayaa maanta Guddoomiyay shir looga hadlayay dardargalinta iyo sugitaanka amniga caasimada iyo uruurinta daqliga.

Kulanka ayaa ka dhacay xarrunta dhallinyarada Gobolka Banaadir.

Kulankaas ayaa waxaa ka qaybgalay Guddoomiye ku-xigeenada Maamulka iyo maaliyadda Gobalka Banaadir, agaasimeyaasha maamulka gobolka iyo Guddoomiyayaasha Degmooyinka.

Duqa Muqdisho iyo mas’uuliyiinta kale ee ee gobolka ayaa isla gartay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo sugida amniga caasimadda iyo in la kordhiyo howsha daqli uruurinta oo mas’uuliyad gaar ah la iska saaro.

About Author