Post View....

Dadaalo la isugu keenayo Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug oo bilowday

0
131

Waxaa bilowday dadaalo la isugu keenayo Madaxweynayaasha Puntland Saciid C/llaahi Deni iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo khilaaf soo kala dhex galay, kaddib hadalkii Madaxweyne Deni jeediyay bil ka hor.

Xildhibaano iyo Siyaasiyiin ka soo jeeda labada dhinac ayaa bilaabay kulamo labada dhinac hordhac ah oo ay labada dhinac isugu kala dab qaadayaan, si mad-madowga ka dhex jira Labada Madaxweyne loo xaliyo ka hor shirka.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu qeyb ka yahay dadaaladaas, waxaana maanta oo Khamiis ah kulan qado ah yeelanaya Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Madaxweyne Qoorqoor.

Kulankan ayaa hordhac u ah kulan dhowaan yeelan doonaan Deni iyo Qoorqoor.

Tan iyo markii maalin ka hor uu Muqdisho soo gaaray Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor waxaa bilowday shir doceedyo lagu xalinayo caqabadaha ka jira qabsoomida shirka la filayo inuu dhex maro Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

 

About Author