Dowlada Soomaaliya ayaa la filayaa Maanta in ay Maxakamada Adduunka ee ICJ Dhageysan Doonto Dood Afeedkeedii ugu dambeysay, iyada oo Wafdiga Soomaaliya Rajaweyn iyo Kalsooni Muujiyiin.

Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ICJ ayaa 3:00PM Galabnimo dhagaysan doonta gunaanadka Dacwadda badda Soomaaliya, Ka dib markii ay diiday maxkamaddu codsigii Kenya ee ahaa in ay dib ugu soo laabto dhagaysiga dacwadda.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xaqiijiyey in maxkamaddu qaadatay go’aankaas, Iyada oo Dowlada Kenya Dhagaha ka fureysatay.

Dowlada Kenya ayaa sheegtay in Dacwad Sii Geyn Doonto Golaha Amaanka QM  Si Qiil Kale ugu Raadiso Arinta Dacwada Badda.

Laba Qodob oo Kenya Horay usoo Gudbisay ayaa lagu Sheegay in Covid-19 uu Dhaqaale Yari Dalka u Horseeday iyo in Dacwada Badda Lagu Soo Daro Weerar Al-Shabaab ay ku Qaadeen Hoteel Ku Yaal Magaalada Nairobi Laba Sano Ka Hor.