× HomePrivacyAbout UsContact Us
ad
ad
Ciidamada dalka Suudaan oo Hub ku qabtay xadka ay la wadaagaan Itoobiya.
WARKA

Ciidamada dalka Suudaan oo Hub ku qabtay xadka ay la wadaagaan Itoobiya.

Muqdisho:- Bayaan kasoo baxay Ciidamada Suudaan ayaa lagu sheegay in ciidamada ku sugan xadka ay la wadaagaan Itoobiya ay gacanta ku dhigeen hub sharci darro ah.

Bayaanka ayaa intaas ku daray in hubka la qabtay isagu jiray 39 qori oo ah nuuca darandooriga u dhaca, 678 bistoolo  iyo rasaas aad u badan.

Ciidanka ayaa sidoo kale soo qabtay 4 qof oo ku eedeysan inay heysteen hubkaan sharci darrada ah.

Bilihii lasoo dhaafay, waxaa soo badanaayay hubka lagu qabto xad u dhaxeeya Suudaan iyo Itoobiya, inksata oo labada dal aysan bixin faahfaahin la xariirta hubkaan.

About Author

2

Abdi Malik