× HomePrivacyAbout UsContact Us
ad
ad
DEG DEG: Taliyaha NISA & C/rashiid Janan oo goor dhow ka soo degay Muqdisho
WARKA

DEG DEG: Taliyaha NISA & C/rashiid Janan oo goor dhow ka soo degay Muqdisho

Taliyaha heyadda Nabad sugida Somalia NISA Fahad Yaasiin oo uu wehliyo Wasiirkii Amniga Jubbaland C/rashiid Janan ayaa galabta ka degay garoonka dayuuradaha magaalada Muqdisho.

Xubnahan ayaa soo raacay diyaarad gaar ah ka soo qaaday degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Janan ayaa galabta ku wareejiyay dowladda hubkii iyo ciidankii uu gacanta ku hayay waxaana loo soo qaaday Muqdisho oo hada uu ku sugan yahay.

C/rashiid Janan oo Muqdisho ka baxsaday horaantii sanadkii 2020 ayaa hadda ku laabanaya Muqdisho, isagoo heshiis la gaaray dowladda Federaalka.

Waxaa la filayaa in Muqdisho lagu dhameystiro heshiiska labada dhinac, isla markaan la kulmo Madaxweyne Farmaajo.

About Author

2

Abdi Malik