Post View....

C.C.Shakuur oo soo bandhigay Saddax Qodob oo xal looga gaari jiray muranka doorashooyinka dalka

0
160

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo hadda ah musharax madaxweyne ayaa soo bandhigay Saddex Qodob oo xal looga gaari jiray khilaafka Doorasho ee Soomaaliya.

Hoos ka akhriso qoraal uu hadda soo dhigay barahiisa Bulshada uu kaga hadlayo:

Seddax qodob ayaa xal looga gaari jiray muranada doorashooyinka. Tan koowaad, waa Raysalwasaare musharrax ah oo dheellitira awoodda madaxweynaha, isla markaana xakameeya damaca doorasho ee madaxweynaha, taa lama hayo.

Tan labaad waa kalsooni uu isku qabo madaxweynaha xilka haya in uu doorashada ku guulaysanayo. Taasi waxey sahli jirtay in horay loo socdo, Madaxweynuhuna uu fududeeyo hawlaha doorashooyinka, tanaasulna sameeyo, ka dib marka uu Raysalwasaaraha kula dhigo, beesha caalamkana cadadaadiso. Taasna lama hayo, sababtoo ah  madaxweynuhu kalsooni kuma qabo in uu guulaysanayo, meeshii uu qabsadana waa in loo gooyo.

Tan saddexaad waa faragelinta toos ah oo dibedda ka timaadda. Qayladii way ka dhammaatay safiirrada beesha caalamka ee Soomaaliya ku sugnaa, waxaa maalamahan billawday in farriimo kulul ay caasimadaha ka yimaadaan. Soomaalidu ha is xalliso ayuu arrinku ku sinnaa. Soomaalina haddii aan labada qodob oo kale midkood la helin isma xallin karto. Haddaba waxaa lagu qasban yahay in kan seddaxaad laga dhursugo, ama mid kale oo xal Soomaaliyeed ah uu ka soo hormaro oo ah in Dowlad Goboleedyadu go’aan mideysan gaaraan oo ay xal keenaan.

Farmaajo nin isdaba qabanaya maaha, Raysalwasaare kaalintiisa qaadanaya sooma muuqdo, Dowlad Goboleedyada Farmaajo la jira oo isaga iyo qaranka u hiilayana waxay u baahan tahay in ku dhac iyo dhiirrasho midkood, labo ama 3 dooduba yeeshaan, haddii kale waxa la sugaa waa fara gelin shisheeye oo toos ah sidii dhiici jirtayba. Waa tii C/laahi Yuusuf AHUN isku casilay ama C/qaasim Mbgathi lagu geeyey.

 

About Author