Ilaa Seddex Diyaaradood ayaa siyaabo gooni gooni ah waxay maanta utegeen Magaalada Dooloow Ee Gobolka Gedo,oo ilaa shalay gaadiid dagaal iyo ciidamo loo daabulayey.
Diyaaradii Seddexaad Ee Duhurnimadii gaartay Halkaasi waxa la socday sida aan ogaanay Taliyaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.
Hadda waxaa la diyaarinayaa inay Wafdiga Dawlada ugudbaan dhinaca Beled xaawo ka hor inta aysan usii gudbin Tuulada Najax uu C/rashiid Janan kusugan yahay.
Gaadiidka Aan Xabada Karin (Bullet Proof) ayaa looga qaaday Taliye Fahad iyo Xubnaha la socda Degmada Dooloow oo ay ujiheysteen Buula Xaawo.
Xogaha ay Badweytims heshay ayaa sheegaya in la diyaariyey ciidamo badan oo amniga sugaya inta kulamada Heshiiska lagu dhameystirayo socdaan.
Dooda ugu weyn ee jirta waa in la ogaado sidee loo rumeysan karaa in Heshiiska uu ka horeeyey wada shaqeyn hore.