Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa ka carooday tallaabo uu qaaday wasiirkiisa amniga Axmed Macallin Fiqi.
Fiqi ayaa si bareera taageero ugu muujiyay midowga musharrixiinta dibadbaxa ay ku baaqeen in maalinka Jimcaha ah uu dhaco kaasoo liddi ku ah madaxweyne Farmaajo.
Sida la fahamsan yahay Qoorqoor oo ay soo saartay Villa Somalia horraantii sanadkii tegay 2020-ka ayaa dad badani rumaysan yahay inuu xiriir wanaagsan la leeyahay madaxweynaha muddada xil-haynta ay ka dhammaatay ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo xulufadiisa siyaasadda.
Qoorqoor ayaa la sheegay inuu aad uga carooday tallaabadaasi Axmed Fiqi uu ku taageeray qorshaha musharrixiinta Soomaaliya, kuwaasoo isku diyaarinaya dibadbax ay ka dhigaan magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha iyo wasiirkiisa oo ku wada sugan caasimadda dowlad goboleedka ee Galmudug ayaa ilwareedyo muhiim ah ay xaqiijiyeen inay labaduba iska warsadeen arrintani.
Galmudug ayaa safka hore uga jirta maamullada siyaasad ahaan raacsan Villa Somalia sida laga soo xigtay dadka siyaasadda ka faallooda.