Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Maxamuud Siyad Aadan oo la hadlay BBC-da ayaa mar kale ku celiyay in Jubbaland aysan diyaar u ahayn ka qayb galka doorashada ilaa iyo xal waara laga gaaro arinta gobolka Gedo, xilli uu magaalada Baydhabo shir uga socda guddi farsamo oo ka kala socda dowladda federaalka, kuwa dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.
Maxamuud Siyad Aadan ayaa sheegay in ay muhiim tahay in madaxda dowladda ay ilaaliyaan sareynta sharciga, islamarkaana ay ka fogaadaan ku xadgubka dastuurka dalka.
Waxaa uu sidoo kale ka hadlay go’aankooda ku aadan xaaladda gobolka Gedo iyo shirka guddiga farsamada ee ka socda magaalada Baydhaba, isagoona sheegay in ay rajeynayaan in ay go’aano ka soo baxaan.
Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa ka hadlay banaanbaxa ay ku baaqeen midowga musharixiinta mucaaradka, waxaa uuna sheegay inay taageersan yihiin dibadbaxa, balse waxaa uu ugu baaqay mucaaradka in aysan dhib u horseedin shacabka Soomaaliyeed.
Waxaa uu sheegay in madaxda dowladda ay dhageystaan cabashada mucaaradka, islamarkaana ay ka jawaabaan tabashadooda, si buu yiri loo xaliyo caqabadaha taagan.
Muran xoogan ayaa weli ka taagan arrimaha doorashooyinka Soomaaliya