Ciidan & Gaadiid Dagaal oo ay wataan madaxweynayaashii hore ee dalka Xasan Sheikh Maxamuud iyo Sheikh Shariif ayaa xalay la wareegay Aaga Daljirka Daahsoon oo la filayo in maalinta berito ah jimco ku beega ka dhaco banaanbax looga soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Dad goobjoogayaal ah ayaa soo sheegaya in ciidanka oo wata gaadiid dagaal oo aad u fara badan lagu arkay guud ahaan hareeraha Daljirka,iyagoo u muuqday in loo soo diray in ay sugaan amniga Daljirka oo madax hore beri ku banaanbixi doonta.
Xasan Sheikh Maxamuud iyo Sheikh Shariif ayaa xalay degay Hotelka Naasa-hablood 2 (Hotel Maa’ido), halkaas oo ku dhow fagaaraha Daljirka Daahsoon ee magaalada Muqdisho.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka ay qorsheyneyso in ay ka hortagto banaanbaxa,islamarkaana maalinta jimcaha aan la isku soo bixin.
Wasiiro ka tirsan Dowladda oo shalay shiray ayaa isku raacay in la joojiyay isku imaatinka dadweynaha maadaama khatarta covid-19 wali ay jirto.