Xilli shalay gelinkii dambe dowladda Soomaaliya ay soo saartay go’aano ka dhan ah faafitaanka cudurka Coronavirus, isla markaana Go’aanadaas qaarkood ay saameeynayaan banaanbixii ay ku dhawaaqeen Midowga Musharixiinta.
Hayeeshee Midowga Musharixiinta ayaa ka jawaabay go’aanadaas, waxaana ay sheegeen in marnaba banaanbaxaas aysan joojin doonin, isla markaana ay diyaariyeen qalabkii looga hortegi lahaa faafitaanka Cudurka Coronavirus.
Afhayeenka guddiga Bad baadada dorashada ee garabka musharixiinta Cabdullahi Cabdi Maxamed ayaa sheegay in banaanbaxyada uu xaq dastuuri ah siinayo dadweynaha, si ay ugu soo bandhigaan aragtidooda kuna gudbiyaan cabashada ay qabaan.
Afhayeenka oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho waxaa uu sheegay in Midowga Musharixiinta ay diyaariyeen Agab kasta oo looga hortegi karo Cudurka COVID-19 oo kiisas kamid ah laga helay Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in abaabulkii ugu dambeeyay ee banaanbaxa ay ka wadaan Magaalada Muqdisho, isaga oo sheegay in salaada Jimcaha dadweynaha & Madaxda ay ku dukan doonaan Taalada Daljirka, sidoo kalena dadka doonaya inay banaanbaxa ka qeyb galaan loo diyaariyay Gawaari geyneysa Goobta banaanbaxa.
Lama oga go’aanka ay qaadan doonto dowladda Soomaaliya maadaama ay joojisay isku soo baxyada, balse Midowga Musharixiinta ay ku adkeysanayaan in banaanbaxa la qabanayo, waxana dadka Muqdisho ay walwal ka qabaan in ciidamada dowladda & kuwa ilaalada Musharixiinta ay dagaalamaan.