Waxaa hadda shir qadka Zoom-ka u socdaa Wakiilada Beesha Caalamka ee C6+ iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabelle, Puntland iyo Jubbaland, kuwaasoo ku sugan magaalada Dhuusamareeb, waxaa shirka ka maqan oo aan qeyb ka aheyn Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen oo galabta dib ugu laabtay Baydhabo.
Ilo ku dhow dhow shirka ayaa sheegaya in laga hadlayo arrimaha siyaasadda dalka iyo xaalada uu dalka geli karo kaddib 8 February marka uu dhamaado muddo xileedka Madaxweyne Farmaajo.
Waxaa jira qorshe maalmaha soo socda la isugu keenayo Muqdisho Madaxda dowlad Goboleedyada, si shir ay garwadeen ka tahay Beesha Caalamka loogu qabto Dowlad Federaalka iyo Dowad Goboleedyada, si dalka looga saaro xilliga kala guurka.
Isku soo wada duub shirkaan haatan sida Oline dhex maraayo wakiilada beesha caalamka iyo madaxda maamul goboleedyada ayaa imanaayo xili saacado qura u harsantahay madaxweyne Farmaajo mudo xileedkiisa.