Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha oo ay hoggaaminayaan Madaxweynayaashi hore ayaa goordhow la filayaa inay la kulmaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal, iyagoo ugu tagaya hoygiisa.
Wararka ayaa sheegaya inay kala hadlayaan xaalada siyaasadeed ee uu dalku galayo, kaddib dhamaadka muddo xileedka Madaxweynaha iyo in Guddoomiye Mursal oo isagaba muddo xileedkiisa dhamaaday inuu qaato doorkiisa kaga aadan dalka.
Sido kale musharixiinta ayaa doonaayo in kahor imadaan qorshaha wadaan kooxda madaxweyne Farmaajo oo ku aadan in mudo kordhin loo sameeyo baarlamaanka iyo madaxweynaha si loogu diyaariyo doorasho lawada ogolyahay.
Wararka aan heleyno ayaa shegaayo in amaanka madaxweynayaashii hore caawa siweyn loo adkeeye waxaana galbinaayo kawaari dagaal oo garaayo ilaa sodomeeyo kuwaasi oo hore looga baran.