Fadhi ku Dirirkii Saakay 3/2/2021 aan Xamar uga qeyb galay iyo kii Galabta aan Adis Ababa uga qeyb galay, ( F.S: 1aad) Labadaba Somalidu waxa ey is weeydiinayeen, Maxaa Dhuusamareen laga sugayaa?.
Anigu Arragtideeyda waxaan ku iri:
Nin Oday ahaa oo Xaaskiisii Dhibtay ayaa Maxkamadda hor geeyay, waxaa uuna ku furay Saddax Dalaaqo oo aan rajactu leheeyn.
Haweeneydii ayaa Tiri: Qaaliyoow, Ninkaan muddadii aan is qabnay, Xoola yaro kuma nicin, Raganimo iyo Samirna waa lahaa. Hadda waan maqlayaa in la i furay oo muddadii Calafka aan isku leheyn ey dhamaatay ee Shiikhoow, Sharciga iiga fiiri, muddo kordhin Nikaax, Annaga oo aan is qabin in aan hal sanno ku wada noolaano. Haddii taa la waayo, Qaaliyoow waan ogolahay furiinka, laakin 6 bil oo wada noolaasho ah, ha naloogu daro.
waxaa jiro, Furiin Baarlamaankii hore oo Cudadii u dhamaatay, iyo furiin Cusub.
Dhuusamareebna waxaa laga rabaa wada noolaasho Siyaasadeed furiinka kadib, ee Sharcigu ma qabaa?.
Markii aan Reer Adis Ababa, iyagana aan weeydiiyay Baadidii ku jirtay Big Brother Abiye, Fadhigii waa lagu kala cararay. waxa ey ka fiigeenna iima sheegin. Haddaan Berri Adis idinla sii joogo Annaaba idinka gar daran ayaan ku iri, Berrina waan ka tagaa Adis.
Horta, wada Noolaasho Siyaasadeed Xalaal ma tahay? Dhuusamareebna waaba foole, wax khayr leh.
Qore: Yahya Amir