Golaha Musharraxiinta mucaaradka ayaa soo saaray hadal ay uga digayaan in xukuumadda federaalka ay sameysato muddo kordhin, xilli uu hadda socdo shirka Dhuusamareeb ee laga dhowrayo xalka khilaafka doorashada.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, oo hadda ah guddoomiyaha golaha musharraxiinta xilka madaxweynaha, yaa shir jaraa’id oo uu Muqdisho ku qabtay ku sheegay “in ay aad uga xun yihiin xilliga dowladda oo dhammaaday iyadoo syaan doorasho dhicin wax heshiis ahna laga gaadhin arrimaha doorashada”.
“Xilligaan waxay ahayd in ay harsanaato doorashada madaxweynaha kaliya ama ugu yaraan heshiis lagu yahay habka doorashada iyo waqtiga,” ayuu yidhi Shariif.
Wuxuu sidoo kale sheegay in ay jiraan dad muhiim ah oo aan laga qeyb galinin shirka hadda ka socda Dhuusamareeb, isagoo u muuqday in uu ka hadlayo Golaha Musharraxiinta oo aan laga qeyb galinin shirkaas.
Dhanka kale, Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in dhankooda “aysan aqbali doonin wax muddo kororsi ah, tallaabo kasta oo la qaadayana in ay ahaato mid ku timaada wadatashi iyo wada oggol, oo ah heshiis siyaasadeed.”
Is-fahan laga gaaray mid ka mid ah qodobada looga hadlayo shirka Dhuusamareeb
Madaxwayne kuxigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid oo BBC u waramay ayaa sheegay in illaa iyo hadda uu shirka si habsami leh uu u socdo.
Waxaa uu intaa ku daray in ay jiraan qodobo is-faham laga gaaray.
Cali Ciid ayaa carrabka ku dhuftay in qodobka soo xulidda xildhibaanada baarlamaanka ee gobolladii Waqooyi ama Somaliland ay dhinacyada is-fahan ka gaareen.
“Qodobkii ugu horreyay oo ah dhanka Somaliland inta aan ogahay is-fahan aad u ballaaran ayaa laga gaaray, waxna way ka dhiman yihiin,” ayuu yiri madaxwayna kuxigeenka Galmudug.
Waxaa uu intaa ku daray in wadaxaajoodka qodobka soo xullidda xubnaha baarlamanka Somaliland ay ku lug lahaanayaan gudoomiyaha aqalka sare iyo ra’iisul wasaara kuxigeenka xukuumadda federaalka.
“Waxaan kuu sheegi karaa oo keli ah in arrinta xildhibaannada Somaliland meel fiican ay mareyso oo is-fahan u dhawdahay aadna dhinacyada isugu soo dhawaadeen ra’iisul wasaara kuxigeenka iyo gudoomiyaha aqalka sare-na ay ku lug leeyihiin oo ay ka qeyb qaadanayaan,” ayuu yiri Cali Ciid.
Madaxwayna kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa sidoo kale sheegay in qodobada kale ee uu muranka ka taagnaa ay weli socdaan wadaxaajoodyada.
“Qodobada kale ee ku saabasn guddiga doorashada iyo waxa laga tataaban karo iyo arrinta Gedo oo u dambeysa weli lama guda gelin, markaa illaa iyo hadda si habsami leh ayuu shirkaas u socdaa,” ayuu yiri.
Waxa uu sheegay in qodobka guddiga doorashada ay muuqato in intii hore la isaga soo dhawaaday.
“Sida muuqata aad ayay isugu dhaw yihiin labada dhinac marka laga hadlayo guddiyada doorashada,” ayuu yiri Cali Ciid.
Waxaa uu dhanka kale sheegay Cali Ciid in qodobka gobolka Gedo lagu wado in maanta ay madaxda guda galaan.
“Qodobkaas weli lama guda galin, waxaana la guda galayaa maanta oo si fiican loo falanqeynayaa,” ayuu inta ku daray.
Waxa uu rajo ka muujiyay shirka oo la filayo in xal looga gaaro khilaafka ka dhashay hannaanka doorashada ee xilligii loo asteeyay dib uga dhacday.
Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa shalay ku eedeeyay madaxweyne Farmaajo in uu ka hor istaagay inuu ka qaybgalo shirka Dhuusamareeb.
“Waxaan ka xumahay muddadaa uu jiray Aqalka Sare in madaxweyna uusan aqoonsanin, tixgelinin waajibaadkaa dastuuriga ah ee dastuurka siiyay Aqalka Sare, khilaaf kasta iyo wadahadal kasta oo dhexmara dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada,” ayuu yiri Cabdi Xaashi.
Xigasho:BBCSomali