1. Nin Reer waqooyi ahaa ayaa Gaarigii Bacaad uga galay Deg. Shaalmbood, Nin ayuu ku yiri: ila riix Gaariga. Ninkii oo la riixayo ayaa yiri: Rauulka Alloow. Gaarigii Bacaadkii kama bixin, Ninkiina waa iska tagay. kii Reer waqooyigii ayaa ku yiri: war dee Allaah oo ka weyn ayaaba joogo ee maad u yeertid.
Nin kale ayuu Haddana ila riix ku yiri. Ninkii oo la riixayo ayaa yiri: Shiikh Cabdulqaadiroow Magantaa. Gaarigii Bacaaskii kama bixin. Kii Reer waqooyiga ayaa yiri: Now, war naga tag, Rasuulkii oo ka sareeyay ayaaba la soo celiyaye.
( Arrinta Somaliya ee Bacaadka gashay, Beel caalam kama rixi karto, ee Somaliyeey maan Allah tala saarano oo aan dadaalno. Beesha caalamku in ey Bacaad kaa bixiso ma rabto ee Danno kale ayeey leedahay.
Hadaad aragto Baabuur waddada ku halaabay oo Rag badan oo leh makaanik ayaan nahay ey faraha kula jiraan, Labo ayeey mid tahay. in Baabuurka ey Naagu leedahay, ama Raggu in ey tuugo yihiin, Beesha caalamku maxeey noogu soo shamuumtay ma danteenaa?) (F.S: 1aad)
2. Cabdi oo 4 Sanno jir ah ayaa yiri: sidee wax u jiraan, Aabe iyo Hooyo waxa ey i leeyihiin, hadda waad weeynaatay, cabsanna meeysid, ee Sariirtaada kaligaa seexo, iyagiina weli Sariirtii aan sadaxdeenu ku wada seexan jirnay ayeey kaligood weli isla jiifaa. maxeey weli ka cabsanayaan?.
( Madaxdu waxay na leedahay: Nabadda horuumaraa laga gaaray ee ha cabsanina Shacaboow ee Nabad ku seexda, Iyagiina Baabuur aan Xabaddu karin iyo Juuniyaal carro ah Ayeey isku Aamini la’ yihiin. see wax u jiraan? )
3. wadaad ayaa waxa uu arkay Wiil yar oo Waddada ku ooynayo, waxa uu yiri: xageed ka soo dhuntay? wiilkii ayaa yiri: sooma dhumin ee Xaafaddan ayaan deganahay. waxa uu yiri: Maxaad la ooyinee? waxa uu yiri: Aabe iyo Hooyo ayaa guriga isku dhax dagaalayay . wadaadkii ayaa yiri: Aabahaa waa kuma? Wiilkii ayaa yiri: waxa la isku heeysto ayaaba aheyd Aabaheey waa kuma. ( F.S: 2 & 3aad).
( Somalidu waa wada ooynee, waxa la isku heeysto ayaaba ah, kan dambiga galay waa kuma).
4. Nin ayaa lagu yiri: maxaa sawirka saaxiibtaadii hore Caasbo Luul aad wili u heysataa, waadba kala tagteenee, calaf umaadan leheynnina in aad isguursataan. waxa uu yiri: waxaan rabaa in aan Caruurta xaaskeeyga cusub ee Aamino Samir ey ii dhali doonto aan u sheego sababta ey u soo daaheen Caruurtu, oo mar hore eyna u dhalan in ey aheyd lug gooyada Saaxiibadii hore Caasho Luul.
( war dhalin yarooy, guurka dedejiya inta aad yartihiin, Somalida 10 Million dhaafi la’ ha badatee, ogoow Gabareey halkii mar ee dhiig Caado kugu dhaco ,hal cunug ayaad khasaarisay, Adna wiiloow Habeenkii aad isku Junuubto, Hal Cunug ayaa kaa saqiiray, Ogaada Sawiradiina in Ubadkii aad soo daahiseen la tusi doono, Adinkoo dambiilayaal ah.
Rasuulka CSW ayaa Alla ka baryay in umaddiso ka badato umadaha kale.
Ogaada Dhalin yarooy ,Daahiddu ma fiicno ee qosolkaaga badi inta weli ciridkaaga ilko leeyahay, ( F.S: 4aad) Siyaaaiyoow Adiguna, mudda xileedku waa gaaban yahay ee Dadka wax u qabo inta aan la gaarin Doorasha).
5. Xaliimo ayaa saaxiibkeed Farax ku tiri: haddii aan is guursaneyno Shuruuduhu waa: 1. Sigaarka waad joojinee? waxa uu yiri: Haye. 2. Qaadka waad joojinee.Haye. 3. Shukaansiga waad joojinee. haye. 4. Asaxaabtaadii hore waad ka haree. Haye. 5. waxa ey weeydiisay: ii sheeg, maxaa kale oo aan ku daraa? Farax ayaa ku yiri: ku dar ismaba guurseeyno.
( Gabdhoow shuruudaha badan ee hor dhaca ah, ha la joojiyo, iyadaaba gadaal ka imaan Doontee. wiiloow, Adiga Meeqa shuruud ayaa laguugu xiray ?)
6. Oday waayeel ah oo Tabar dhigay, Gabar yarna Qaraabadu ku dartay , qabayna Cudurka Sokorta , ayaa dhoowr Jimco howshii laga sugayay aan isku dayin. Xaaskiisii yareed ayaa ku tiri: maxaa kugu dhacay, soow Adigii Jimca kasta i dhihi jiray, Macaanto, Macaanto, Macaanto, wixii macaay i sii. waxaa uu yiri: soow ma ogid in aan qabo Cudurka Macaanka oo Dhakhtarkii ayaan hore igu yiri: wax Mac oo dhan iska ilaali.
( waaba haddii ey kaa yeesho)
FG: ka raali ahaada soo daahidda caawa, Qaboowgii Istanbul-Turkey ayaa i galiye.
Qore: Yahya Amir