Dhuusamareeb:- Ciidanka Xoogga dalka ayaa howgal qorsheysan oo ay xalay fuliyeen waxa ay nolosha kusoo qabteen Maleyshiyaad ka tirsan argagixisada Al-shabaab oo qorsheynayay in ay Hoobiyaal ku weeraraan magaalada Samareeb ee Xarunta Dowlad-goboleedka Galmudug.
Wasiirka Amniga dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi iyo Taliyeyaasha howlgalka hoggaaminayay ayaa warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in howlgalkaas lagu dilay 8 ka mida dhagar qabayaasha Al-shabaab sidoo kalana gacanta lagu dhigay Gaadiidkii, Hoobiyihii iyo Hub fudud oo ay u adeegsanayeen dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.
Ciidanka Xoogga dalka ayaa dhawaan duleedka magaalada Samareeb ku soo bandhigay hub iyo meydadka dhagar qabayaal ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo howlgal lagu dilay.