Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay xilli dambe waxaa ay dageen Hotelka Maa’ido Ex-Naasa-hablood oo ku yaal agagaarka Guriga Hooyooyinka oo u dhow Madaxtooyada Soomaaliya.
Madaxweynayaasha hore oo wata Gaadiidka dagaalka iyo Ciidamo ayaa xalay ku hoyday Hotelka Maa’ido Ex-Naasa-hablood, waxaana saaka wadooyinka soo gala Hotelka lagu arkayaa Ciidamo wata Tuutaha Millateriga iyo Gaadiidka dagaalka.
Mas’uuliyiintaan ayaa isku diyaarinaya ka qeyb-galka banaanbaxa ay Midowga Musharixiinta oo ay kamid yihiin ay ku baaqeen, kaas oo Maalinta Jimcaha ah ka dhacay taalada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheera hadii uusan dhicin isbedel kale.
Xubnaha Midowga musharixiinta ayaa waxaa ay wadaan abaabulkii ugu dambeeyay ee banaanbaxa, waxaana xarumahooda ka socda diyaarinta dadka ka qeyb-galaya banaanbaxa.
Dadka Muqdisho qaarkood ayaa siyabo kala duwan uga hadlay banaanbaxa la filayo in uu ka dhaco muqdisho, kaas oo looga so horjeedo Madaxweyn aha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo, waxaana qarkood ay ka walwal san yihiin in uu dagaal dhaco.