Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo war qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada ku sheegay in iyadoo laga duulayo dhaqan gelinta Heshiiskii 17-kii Sebteembar ee doorashooyinka Soomaaliya iyo sii ambaqaadidda talooyinka iyo xalka ay soo gudbiyeen Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee ku shiray Baydhabo intii u dhaxaysay 15-16kii bishan Febaraayo ayuu madaxweynaha shir iskugu yeeraya Madaxda Dowlad Goboleedyadda iyo Gobolka Banaadir, shirkaas oo lagu qabanaya magaalada Muqdisho.
Shirkan wadatashiga ah ayaa la sheegay in uu socon doono inta u dhaxaysa 18-19 bishan Febraayo 2021-ka.Waxaa la sheegay in shirka uu saldhig u yahay talo-soojeedintii Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee ku aaddanayd dhaqan-gelinta heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 laga gaaray hannaanka doorashooyinka, ayna meelmariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Baaqan ayaa ku soo beegmaya iyadoo kulan horraantii bishan madaxda maamul goboleedyada iyo kuwa federaalka ku dhexmaray magaalada Dhusamareeb ee Galmudug uu fashil ku soo dhamaaday, kadib markii la isku mari waayay qodobo ay kamid tahay sida doorashada ay uga dhaceyso gobolka Gedo, maadaama uu maamul ahaan ka tirsan yahay Jubaland balse ay gacanta ku hayso dowladda federaalka.
Hadda se waxaa muuqata in wadahadalkan guddigu ay sheegeen in uu mira-dhalay loo wajahay si ka duwan sidii hore, maadaama kulamadii hore ay isa soo hor farriisan jireen madaxda labada dhinac.
Dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe cadaadis iyo baaqya kala kulmayay beesha caalamka iyo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaas oo ah inay ka wadahadlaan khilaafka ka taagan doorashooyinka, dalkana ay ka dhacdo doorashada la isla oggol yahay.
Mudada xilheynta madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo afar sano ahayd ayaa ku ekeyd 8dii February. Mucaaradku waxay sheegeen inaysan madaxweynaha aqoonsaneyn. Dowladdu se waxay sheegtay in madaxweynahu xilka heyn doono ilaa inta laga dooranayo maamul cusub. Ma jiro waqti la og yahay oo ay doorashadu dhici doonto.