Ra’iisul Wasaaraha xilka siihaya ee xukumadda federaalka ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa habka fogaan aragga shir kula yeeshay wakiillada beesha caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlay siiwadista wada xaajoodyada DFS iyo Dowlad-goboleedyada ee la xiriira hirgalinta heshiiskii 17-kii September 2020 iyo qodobbadii Guddigii farsamo ee Baydhabo.
War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa lagu sheegay in Shirka sidoo kale lagu bogaadiyay isfahamkii ka soo baxay shirkii Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Musharixiinta ee 25-kii Febraayo ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Todobaadkii hore wakiillada beesha caalamka ayaa waxaa ay kulan la yeesheen Ra’iisul Wasaaraha xilka siihaya, waxaana ay ka dalbadeen Maxamed Xuseen rooble in uu qaato doorkiisa ku aadan arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.
Dhanka kale Kulanka Maanta uu Ra’iisul Wasaaraha xilka siihaya, uu la qaatay wakiillada beesha caalamka ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli weli an wax heshiis rasi ah laga gaarin doorashada Soomaaliya, isla markaana khlaafka ugu xoogan uu ka dhex taagan yahay Villa Soomaaliya iyo Maamulada Puntland & Jubbaland.