Safiirka cusub ee UK u qaabilsan Soomaaliya Haweeneyda lagu magacaabo Ms Kate Foster ayaa maalmo ka hor soo gaartay Muqdisho.
Ms Kate waxay bedeshay Safiirkii hore ee UK Ben Fender oo waqtigiisa dhamaaday.
Ms Kate ayaa sugeysa in waraaqaha aqoonsiga laga guddoomo, si ay u howl bilowdo, waxaana jirta dood Safaaradda dhexdeeda ah oo ku saabsan in la sugo inta Waraaqaha aqoonsiga laga guddoomayo illaa laga doorto Madaxweyne cusub iyo in Madaxweynaha talada haya Farmaajo oo muddo xileedkisa dhamaaday 8 February inuu ka guddoomo.
Safiirkii hore ee UK David Concar ayaa la xusuustaa in markii lasoo magacaabay November sanadkii 2016 ayaa ka baaqsaday in Madaxweynihii hore Xasan Sheekh oo waqtigiisa dhamaaday 10 September 2016 inuu waraaqaha aqoonsiga ka guddoomo, waxaana Amb. Concar dalbaday inuu sugayo illaa Madaxweyne cusub laga dooranayo, waxaana waraaqaha Aqoonsiga laga guddoomay 18 February 2017 oo xilligaas aheyd 10 cisho kaddib markii la doortay Madaxweyne Farmaajo.