Madaxda, Siyaasiyiinta & Warbaahinta Kenya ayaa u xusul duubaya sidii dib loogu dhigi lahaa dhageysiga dacwadda Badda Soomaaliya balse Xukuumadda Nairobi sheeganeyso, maadaama dalabkii Kenya dib loogu soo celiyay.
Madasha Pan African ayaa qoraal u dirtay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres, waxa ay ka dalbatay in uu dhexda u xirto sidii uu u baajin lahaa dacwadda Soomaaliya ee ka dhanka ah sheegashada Kenya Badda Soomaaliya.
Guddoomiyaha Madashan oo lagu magacaabo David Matsanga ayaa xoghaye Guterres ku wargeliyo in uu hor istaago go’aanka Maxkamadda Cadaaladda ee Caalamiga ah ICJ oo haddii aan la af qaban xaaladda geeska Afrika kasii xumaan karto sida uu hadalka u dhigay.
David ayaa ku doodaya in iyada oo laga fogaanayo qalalaasaha & xiisadda siyaasadeed ee Geeska Afrika ay la habboon tahay in dib loo dhigo Dacwadda ka furan Maxkamadda ICJ ee ka dhanka ah sheegashada Kenya, sidaan oo kale ayuu horay u dalbaday in la joojiyo dhageysiga Dacwadda badda 2-dii September 2019.
“Mudane Xoghaye guud waxa aan aaminsanahay marwaliba go’aanka sharciga ah ee muranka xuduud badeedda, balse waa u dagaal & isku dhaca geeska waxaana weli taagan Colaadda Soomaaliya” ayuu David Matsanga ku yiri qoraalka uu gaarsiiyay Xoghayaha Antonio Guterres.
Siyaasiyiinta Kenya ayaa marba dhinac ka tusaya Qaramada Midoobay, Mas’uuliyiinta Maxkamadda & shaqsiyaadka ay u arkaan in ay ka gedi karaan riyadooda salka u ah dib u dhigista dacwadda badda oo horay Xukuumadda Nairobi dalabyo kala duwan laga aqbalo, inkasta oo dhawaan laga diiday codsigoodii ugu dambeeyay.
Maxkamadda ICJ ayaa sheegtay in fadhiga Maxkamadda ee dacwadda Soomaaliya ka gudbisay dalka deriska la ah ee Kenya dhici doonto 15-ka Maarso 2021, waxaana jira xusul-duub siyaasadeed oo Kenya ku dooneyso sidii ay u baajin lahayd.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maalmo kahor sheegay in Maxkamadda ICJ ay ku wargelisay isu diyaarinta kiiska, isla markaana ay dib u celisay dalabkii Kenya ee ahaa la baajiyo bisha Maarso 2021.