Guddoomiyaha Xisbiga Sahan, Cabdikariin Xuseen Guuleed oo xubin ka ah Midowga Musharixiinta oo maanta Warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa Dowladda federaalka uga digay in ay siyaasadeydo xaaladda Covid-19 isla markaana ay ku dhacdo Doorashooyinka sida uu hadalka u dhigay.
Guuleed ayaa sheegay in si gaar ah daryeelka Caafimaadka ee Covid-19 dusha ka saaran tahay Xukuumadda, waxaana uu ku tilmaamay musiibo guud ahaan Caalamka Saameysay balse waxa uu ka digay in ka badbadin la sameeyo kiisaska si loo hor istaago Doorashooyinka.
“Xaaladda Covid-19 waa mid guud ahaan dadka looga baahan yahay in ay ka taxadaraan, waxaana qabnaa shaki la xiriira in ay Dowladdu siyaasadeyso kiisaska xannuunka iyada oo qorshaheedu yahay in lagu dhaco Doorashooyinka lagu heshiiyay in ay dalka ka dhacaan” Sidaasi waxaa yiri Cabdikariin Xuseen Guuleed.
Maadaama Xukuumadda ay soo jeedisay in la joojiyo isu imaatinka Bulshada waxa uu soo hadal qaaday dibadbaxa musharixiintu iclaamiyeen in maalin kadib uu ka dhaco Muqdisho 19-ka Febaraayo 2021, isaga oo ka digay in is hor istaag lagu sameeyo.
Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in waqtiga Madaxda Dowladda Federaalka uu dhammaaday, isla markaana aysan jirin doorashooyin muuqda, sababtaas ayuu ku tilmaamay in uu ku dhashay isku soo bixinta dadka.
“Mudaharaadku waa mid dastuuri ah, waxa uu ka dhashay doorashooyinka dalka oo aan qabsoomin, Dowladdu qudheeda waxa ay dadka isugu soo bixisaa marka la taageerayo guulaheeda, halka ay diido kan lagu muujinayo gaabiskeeda, haddaba maxaa xalaaleeyay kan Dowladda oo kan mucaaradka xaaraantimeeyay” ayuu yiri Cabdikariin Xuseen Guuleed.
Shirka Baydhabo ee Guddiyada Farsamo Federaalka, Dowlad Goboleedyada & Gobolka Banaadir ayuu soo hada qaaday, waxaana uu sheegay in Midowga Musharixiintu soo dhaweynayo go’aan weliba oo dalkaan lagu gaarsiin karo Doorashooyinka lagu heshiiyay.