Qaramada Midoobey ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii lagu qaaday Huteel Afrik, kaddib war saxaafadeed ay kasoo saareen weerarkaas.
Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa sheegay inay ka argagaxeen weerarka arxan darrada ah ee lagu qaaday huteelka ee lala beegsaday dad shacab ah.
Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay weerarka iyadoo ay weli socdaan dadaallada loogu gurmanayo dadka uu dhaawaca soo gaaray.