BURMA:-Ciidamada Milatariga dalka Myanmar ayaa saaka si rasmi ah ugu dhawaaqay in ay la wareegeen gacan ku heynta dalkaas kaddib markii ay xabsiga dhigeen hoggaamiyihii dalkaas marwo Aung San Suu Kyi iyo siyaasiyiin kale.
Milatariga ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in talada dalkaas ay u dhiibeen abaanduulaha guud ee ciidamada qalabka Sida Min Aung Hlaing.
Afgambigan ayaa ka dambeeyay natiijada doorashooyin lagu murmay oo sababay shaqaaqooyin dhex maray dadka rayidka ah iyo ciidamada dowladda.
Saacado kaddib afgambiga ciidamada ay dalkaas ku qabsadeen ayay sidoo kale ku dhawaaqeen xaalad deg deg ah oo ay dalkasai ku soo rogeen muddo sanad ah.
Khadadka telefoonka iyo Internetka magaalada Naypyitaw, ayaa go’an iyada oo ciidamo farabadan lagu daadiyay magaalooyinka waaweyn ee dalkaas.
Ciidamada ayaa dalkaas gacanta ku hayay ilaa 2011-kii
Hoggaamiyaha la afgambiyay Aung San Suu Kyi, waa gabadha uu dhalay geesiga xuriyadda dalka Myanmar,ee General Aung San.
Waxaa la dilay aabaheed iyadoo 2-sano jir ah, wax yar uun kahor markii ay Myanmar xuriyadda ka qaadatay gumeystihii Ingiriiska, sanadkii 1948.
Marwo Suu Kyi, ayaa mar loo arkayay in ay tahay tusaale u taagan xuquuqda aadanaha, waa qof u ololeysa mabda’a, taas oo ka tanaasushay xuriyaddeeda, si ay ula dagaalanto Jeneraalladii arxanka darnaa ee tobonnaanka sano xukumayay dalka Myanmar.
Sanadkii 1991, ayaa la siiyay abaalmarinta nabadda ee Nobel, xilligaasi oo ay xabsi guri ahayd, waxaana lagu sumtay awoodda dadka aan awooda lahayn.
Suu Kyi, ayaa ku dhawaad 15-sano xabsi ku qaadatay intii u dhaxeysay sanadkii 1989 iyo 2010.
Bishii November, 2015, waxa ay hogaamiye ka noqotay xisbiga National League for Democracy (NLD), kaas oo ku guuleystay doorashadii ugu horreysay ee si furan loogu tartamo ee Myanmar ka dhacda mudoo ku siman 25-sano.
Dastuurka Myanmar, ayaa ka mamnuucaya in ay madaxweyne ka noqoto dalkaas, maadaama ay heysato carruur uu ka dhalay nin ajinabi ah oo aan dalkaas u dhalan. Balse Ms Suu Kyi, oo hadda 75-sano jir ah ayaa dadku ay u arkaan in ay tahay hogaamiyaha saxda ah.