Faahfaahin dheeraad ayaa laga helay shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada oo uu wehliyo Guddoomiyaha G/Banaadir uga socda caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb, kadib kulan maanta oo dhan uga socday halkaas.
Xogta laga helay shirka ayaa sheegeysa in Qodobkii koowaad ee ka mida saddexda arrin ee lagu isku khilaafsanaa la isla meel dhigay qaabka xal looga gaarayo, waxaana Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmajo uu ogolaaday in arrinta doorashada Gobollada Waqooyi loo daayo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi iyo Ra’iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed oo ay xal ka gaaraan, shirkana kusoo celiyaan haddii ay xal gaareen ama gaari waayeen.
Arrintan ayaa timid markii dood adag ka dhalatay in shirka laga qeyb geliyo gudoomiyaha Aqalka Sare, taasoo uu diidanaa Madaxweyne Farmaajo, balse markii dabe la qaatay taladii kasoo baxday Shirkii Heritage ee Garowe oo ahaa in loo daayo arrintasi labada mas&uul ee ugu sareeya madaxda kasoo jeeda Somaliland.
Shirka ayaa caawa sii socda, waxaana dooda u gudubtay Qodobka Guddiyada Doorashada ee la isku hayo, waxaana la filayaa in xal laga gaaro qodobkan oo ka mida kuwa ugu sahlan ee laga sugayo madaxweyne Farmaajo inuu ka tanaasulo xubnaha taageera ee ku jira guddiyada Doorashada.
Qodobka ugu adag ee Doorashada oo ah arrinta Gobolka Gedo ayaa isna la flayaa inuu isla caawa ay doodiisa bilaabato, iyadoo uu si gaara u quseeyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.