Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyaad uu hoggaaminayay Gen Xuud uu saakay ka dhacay Magaaladaasi.
Weriyaha KNN ayaa soo sheegaya in maleeshiyaadka Gen Xuud ay xalay galeen gudaha magaalada Beledweyne, islamarkaana halkaasi ay dhaq dhaqaaqyo ka wadeen.
Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka ka dhacay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.
Maleeshiyaadka Gen Xuud ayaa waxaa ay ka soo horjeedaan dhibaatada ka jirta gudaha Magaalada Beledweyne.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Gen Xuud ay gabi ahaanba ka baxeen gudaha magaalada, iyagoona dib ugu laabtay duleedka Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.
Ciidamada ammaanka ayaa baaritaano hor leh saakay ka wada xaafadaha magaalada Beledweyne.