Banaanbax ayey Iclaamiyeen Shalay Isniintii Golaha MidowgaMurashaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya in Jimcaha Isbuucaan qaban doonaan ay kaga soo horjeedaan Madaxweyne Farmaajo.
Dawlada ayaa mar kale Maanta ku celisey in wax isku imaatin ah iska daaye Banaanbax Dawlada lagu taageerayo aan la qaban Karin in Mid lagu diidan yahay inuu dhaco iska daaye.
Wasiirka Amniga Soomaaliya Xasan Xundubeey ayaa sheegay in Go’aankii ay Khamiistii hore soo saareen Sababaha Covid 19 Faafitaankiisa awgeed ay ujoojiyeen in dadyoowga hal meel la iskugu keeno.
Hadaba Maxaa Iska Badelay Go’aankoodii Mucaarad?
Gudoomiyaha Xisbi Siyaasadeedka SAHAN C/kiriin Xuseen Guuleed oo ka mid ah Midowga Murashaxiinta Madaxweyne ayaa galabta usheegay BBC SOMALI in aysan waxba ka badelin oo Banaanbax ay qabsan doonaan Jimcaha la iskuguna iimaan doono Taalada Daljirka Dahsoon.
Guuleed ayaana sheegay in Awood aan loo isticmaali Karin Dibad baxa nabadeed iyagoo dhigaya,wixii dhibaato ka dhashana uu mas’uuliyadeeda qaadi doono Farmaajo.