MUQDISHO:-Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa muwaadiniinteeda ku sugan Soomaaliya uga digtay in ay ka qeyb-qaataan dibad-bax la sheegay in Jimcaha uu ka dhacayo Muqdisho.
Safaaradda ayaa sheegtay in dibadbaxan ay ku dhawaaqeen musharraxiinta mucaaradka ah ay uga soo horjeedaan Madaxweyne Farmaajo iyo dib u dhaca doorashada dalka.
Mareykanka ayaa sheegay in isaga oo ka duulaya halista faldambiyeedyo iyo qalalaaso ka dhaca halkaas uu muwaadiniintiisa ku sugan Muqdisho ugu baaqay in ay ka fogaadaan goobaha uu dibadbaxu ka dhacayo amaba ku lug yeelashada arrinkaas.
Muwadiinta Mareykanka ayaa loogu baaqay in ay isha ku hayaan qalabka warbaahinta kana fogaadaan isu soo baxyada iyo goobaha dadku ku badanyihiin.
Siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya ayaa todobaadkan iclaamiyay dibadbax ay sheegeen in a mu muujinayaan dareenkooda ku aaddan xaaladda siyasadeed ee uu dalku marayo.
Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in ay soo saartay amar bulshada lagaga joojinayo isu imaanshiyaha sababo la xariira Covid-19 oo dalka ku soo laabtay.