Dowladda Ithiopia ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtay Gaari lagu soo raray Bambaanoyinka gacanta laga tuuro oo ku sii jeeday Magaalada Adis Ababa ee caasimadda dalkaasi.
Taliye ku xigeenka Booliska Ethiopia ayaa sheegay in Gaariga kasoo baxay magaalada Mekelle ee caasimada Gobolka Tigreey lagu qabtay degaanka Waldiya ee Gobolka Amxaarada.
Taliyaha waxa uu shaaca ka qaaday in bambaanooyin gaaraya 161 bam ay qabteen lana damacsanaa in qaraxyo looga fuliyo caasimadda Adis Ababa.
Gobolka Tigreey waxaa laga saaray Hogaamiyaashii maamulayay sanadkii tagay markii ay xoog kugaleen ciidanka Federaalka Ethiopia.
Kumanaan qof ayaa ku dhintay dagaalka, sida ay sheegtay kooxda xasaradaha adduunka, tobanaan kun oo qaxooti ah ayaa ku qulqulay xadka Suudaan.
Abiy ayaa ku dhawaaqay guul dabayaaqadii bishii Nofeembar ka dib markii ciidamada federaalka ay galeen xarunta gobolka ee Mekele.