Madaxweynaha Maamulka Puntlaand Saciid Cabdullaahi Dani, ayaa si qoto dheer kaga hadlay xaaladihii ay soo wada mareen wada hadaladii dhaxmaray isaga iyo Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Dani, ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu u sheegay inuu heysto ciidan diyaar u ah waxna aysan dhacayn.
Waxaa uu sheegay inuu dhowr jeer uu ka xumaaday inuu la kulmay dadka Muqdisho ku nool, wuxuuna u sheegay inuu heysto dadkaas.
Dani, Ayaa yiri “Maxaa dhacay Waa la gaaray 8-da Febaury aaway darbiyadii laga soo daadanayay ayuu i weydiiyay.
Madaxweyne Deni ayaa si kulul ugu eedeeyay Farmaajo in uu doonaayo burburka Magaalada Muqdisho.
“Ciidamada Gorgor iyo Haramacad ee la sheego waxay ka dagaalameen Dhuusamareeb, Gedo iyo Daljirka daahsoon, lamana tagi karo Huriwaa iyo Afgooye” ayuu yiri Madaxweyne Deni.