Calanka iyo Summadda Qaranka yaan loo gafin. Dadku waa in ey fikeraan, Qof fudud oo aan wax ka fiirsan yuuna ku fogeyn.
Calanka
Calankii ayaa Shaki la galiyay, Tusaalena loo soo qaatay Ummaddo naga hor sameeystay Calan mid keena u eg, laakin Annagu iyaga kama soo qaadan. Laba sheey oo is shaabaho ayaa Dunida isku mar ka dhici karo weliba Laba meel oo kala fog. Ama laba qof oo laba meel oo kala fog isku mar ku dhashay ayaa isku magac loo bixi karaa. Fiiri Qeybta Sare ee Calanka Mareykanka oo ka kooban Xiddigo ku dhax jiro xeyndaab Buluug ah.
Ma la dhihi karaa Xiddigaha Calanka Mareykanka ku dhax yaal waxa ey ka soo qaateen Xiddigtii aheyd Calaamadii Ciidamadii hore ee Islaamka, Haddii ey dhihi lahaayen Xiddigaha Mareykanka waxaan ka soo qaadanay Islaamku Dadkoodu waa nici lahaayeen Calankooda. Adigu sideed ku ogolaatay in lagu yiraa: Calanka somalida waxaa laga soo qaatay Dad sheeydaanka Caabudu oo Mareykanka joogo, Calankaaga yaan lagu nacsiin. ( F.S: 1aad
Summadda Qaranka.
Dad ayaa Shaki galinayo Sumadda Qaranka ee “Somali Amblem” iyaga oo ku leh qeybta sare waxa ey ka tahay Calaamadda Kirishtaanka ee is dhaafka ah. ( F.S: 2aad)
Summadda kirishtaanku qeybta hoose ayeey u dheertahay, tan Ku dhax taal Summadda Somaliduna wey siman tahay.( F.S: 3aad).
wax kasta oo dadab isku dhaafsan ma ahan Calaamadda Masiixiyiinta. Calaamadda ku dar ” Plus” ee aad Maalin kasta isticmaasho ma kiristaanaa ileyn waa Laba xariiqin oo is dhaafsane. fiiri Meesha Laba waddo iska gooyso, Is fiiri marka aad jimacdanee, fiiri Baalaha Nalaalka, fiiri Munaaradaha qaar, fiiri Shaatigaaga, fiiri Seefaha iyo Midiyaha, fiiri Buriska, Fiiri Tubada Biyaha iyo Cirbadda la guugu duro, Fiiri Dayaaradaha wax kasta oo dadab isku dhaafsan ma ahan Kirishto.( F.S:4-15).
war Dadka yaan lagu wareerin isku ekaashaha Laba sheey. Waxaa mahad leh Allaah oo aan naga dhigin kirishtaan,.
Masjidka Arbaca Rukin intaan hadda Turkigu dayac tirin waxaa ku wareegsanaa Calaamda Xiddigta 6da gees leh oo Qurxin looga Dan lahaa markii la dhisayay. Xiddigta 6da gees leh, waxa ey aheyd Calaamadii Nabi Daa’uud CS, yaa ku yiri: yuhuuda leh?.
Qaar kale ayaa ku leh Sambuusigu waa xaaraan waxa uu u egyahay Al ahraamta Masar oo ah qabrigii Fircoon.
kuwa kale ayaa FB ku soo qorayo Nabiga ku sali 1000 jeer, Subaxdii waxaad helee 1000 Dollar, Ciyaalku markii ey waayaan Subaxdii Lacagtaa, Diinta ayey ka shakinayaan waa farsamo yuhuuda isticmaasho.
kuwa kale ayaa Baraha Bulshada ku soo qoro: Sheikh Sucuudiga joogo ayaa sidaa iyo sidaa ku riyooday ee fulli. Culumada Sucuudiga ma kuwa kale ayeey ka Riyo fiican yihiin, Yaa soo wariyay in uu riyooday, kuwaasi badanaa wax aan Lacag aheyn maba ku riyoodaan.
Hadda ka hor heyad yuhuudu leedahay ayaa daabacday Boqolaal kun oo Kitaabka Qur’aanka ah. Kitaabkaa ey daabaceen Hal suurad oo ka mid ah, Hal Aayad oo ka mid ah, kalamad ka sii mid ah Xaraf ka mid ah oo kaliya ayey Shaqalka ka badakeen, inta kale Kitaabka waxba kama bedelin, Shaqalkaa oo Macnaha bedelayo, si ey muran uga dhax dhaliso Dadka Muslimka ah, oo la isku qabto fiiri, shaqalka waxa uu ku qoran yahay kitaabka, Anaa saxan iyo Amaa kaa saxan. war wax hala hubsado.
Dadka Qaarlood oo aan ogeyn Dunida sida wax u socdaan oo aan wax iska hubsn yeeyna Shaki kaa Galin Calankaaga, Summadda Qarankaaga iyo Diintaadaba.
Shikiga qaar waa dambi.
FG: Aragtidaada Xur ayaad u tahay, wixii iga khaldan iga sax, Adiga oo ku mahadsan.
Qore: Yahya Amir