Masuuliyiin ka tirsan Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo masuuliyiinta nabad galyada deegaanka Ssoomaalida ayaa kulan ku yeeshay Magaalada jigjiga ee Xarunta DDS.
kulankan ayaa looga wada hadlayay iskaashiga deegaanka Soomaalida iyo dawlad goboleedka koonfur galbeed sidii loosii xoojin lahaa, loogana wada shaqayn lahaa arimaha nabad galyada, isu socodka bulshada, iyo inay labada Maamul si dhow uga wada shaqeeyaan danaha labada shacab gaar ahaan xuduudaha ay wadaagaan labada bulsho.
kulankan ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ahaa maamulka gobolka afdheer ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya iyo degmooyinka xuduuda la leh koonfur Galbeed.
Wafdiga ka socda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud & dib u dhiska iyo Guryaynta Soomaaliya Axmed Sheekh Maxamed ayaa sheegay in la isku afgartay in si dhow looga wada shaqeeyo arrimaha ammaanka & isdhexgalka labada bulsho.
Masuuliyiinta katirsan dawlad goboleedka Koonfur Galbeed oo muddo 4 maalmood ah ku sugan deegaanka Soomaalida ayaa weli kulamo kala duwan ka wada Magaalada Jigjiga ee dowlad deganka Soomaalida Itoobiya.