Dadka qaar ayaa leh: ( Aqoon yahankii iyo Professoradii Haddii ey sidaan u hadlayaan maxaad ka sugee kuwa caamada ah). taasi waa hal ku dhag ey isticmaalaan:
1. Dadka aan fahmin u jeedada Qofka wax qoray.
2. kuwo wax fahmay laakin sidii ey u rabeen aan loo sheegin.
3. kuwo Ookiyaalo qabiil oo kaliya wax ku arko.
kuwaa, Arragtidaadu nooma muuqato, Ookiyaal Qabiilna wax kuma aragno. ( F.S: 1-4)
Aqoon yahanku waa Qof Beni aadam ah wax waa khaldi karaa, waana sixi karaa. Dadka waddada marayo bal fiiri Wajiyadoodu iskuma eko, sidaa ayuuna Arragti/ogaalkoodu u kala duwan yahay. yaa ku yiri: Dadka aad leedahay Caamo wax ma fahmi karaan.
Marka aad leedahay Aqoon yahan Somaliyeed, wixii uu dhihi lahaa ee laga rabay in uu yiraa Ma ahan. Bal Adigu noo sheeg haddii aad ogtahy waxa laga rabay, maxaad ugu eedeeynee isaga maad Adigu noo sheegtid.waxaadba leedahay sidaa ma ahan sidii laga rabay !!!.
Ogoow Anigu kuma dhihin waxaan ahay Aqoon yahan ama professor rabo in uu ku sheego waxa aad rabto.
Nuxurku waxa uu ahaa, Haddii aan la dhoowreyn Sharcigu ‘Title-kii” uu ku siiyay, ogoow Qof kasta waa qaadan kartaa Title ka. Dunida inta aad ku nooshahay ha sugin waxa aad rabto oo kaliya in laguu sheego.
Waxaa jirto Maahmaah Caalamiya oo leh: ( Haddii aad rabto in aad Fashilanto isku day in aad Qanciso Dadka oo dhan)
Mahadsanid Md.Madaxweyne.
Qore: Yahya Amir.