General Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) ayaa sheegay inaanay wax arxan ahi lahayn maleeshiyada Ururka Al Shabaab, isagoo dhanka kalena ku baaqay in dagaalkooda loo midoobo.
Sidoo kale kuwa naas nuujiyo mintidiinta Al Shabaab ayuu ugu baaqay inay joojiyaan taageerada ay siiyaan, bacdamaa cid ay dhaafayaan aysan jirin.
“Waxaa la yiri nin abeeso koriyoow adigaa u aayi.” Ayuu yiri General Yuusuf Maxamed Siyaad oo intaa ku daray “Ninkii nimankaa koriya ayagaa cuni doono.”
General Indhacadde ayaa muujiyay in hadafka kooxaha argagixisada uu yahay in cid weliba ay dilaan, waxaana uu ku taliyay in meel looga soo wada jeesto dagaalka lagula jiro.
“Anigu waxaan leeyahay daadkaas cid weliba waa qaadayaa, war daadka aan isla moosno, qofkii maanta ka maqan yahay berriyuu u imaanaa. Nimankaasi dugsi maleh.” Ayuu yiri General Indhacadde.
Jananka ayaa intaa ku daray “Waxaan leeyahay Dowladda Somaliya, Dowlad Goboleedyada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed nimankaas ha iska kacsheen.”
Axadii shalay oo ugu dambeysay waxay kooxaha argagixisada qarax ku dileen 10 askari, oo uu ku jiro Taliyihii Nabad Suggida ee Magaalada Dhuusamareeb, Cabdirashiid Cabdi Shiikhdoon (Qooje).
Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama waa cadowga keliya ee muuqdo, ay maanta ummadda Soomaaliyeed leedahay, waxaana looga gudbi karaa iyadoo sidii looga xoroobi lahaa leeska wada kaashado.