Dowladda Somaliya ayaa bilowday inay Magaalada Muqdisho u soo daad-gureyso Ciidamadii Jubbaland, ee lagu qabtay dagaalkii 25-kii bishii hore ee January ka dhacay Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo.
Ciidamadan ayay siyaabooyin kala duwan diyaarado uga soo daad-gureeyeen Degmada Doolow, waxaana Axadii shalay laga soo dejiyay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde.
Qaybta ugu dambeysa ee ciidamadan ayaa maanta la fillaya in la keeno Magaalada Muqdisho, sida uu sheegay Afhayeenka Maamulka Gobolka Gedo, Cali Cabdullaahi (Juba).
Afhayeenka ayaa tirada ciidamadan ku sheegay 227 askari, kuwaa oo 60 ka mida sida uu sheegay isu soo dhiibay Dowladda Federaalka.
Afhayeenka ayaa intaa ku daray in ciidamadan ay ku jiraan kuwo da’ yar, kuwaa oo sida uu sheegay la soo khalday, ujeedkuna uu yahay in ciidanimada laga saaro, lana siiyo waxbarashada ay jecel yihiin. Ciidamada kale ayuu sheegay ee u khalma inay ciidamada federaalka ka mid noqdaan uu askari kasta u madaxbannaan yahay inuu xusho qaybta uu doonayo in uu ku biiro.
Ciidamadan ayaa 26-kii bishii January gaadiidka dagaalka loogu daabulay Degmada Doolow, iyadoona lagu xareeyay xero ciidan oo ku taala halka magacaabo Buundo Garas.
Dagaalkii Beled Xaawo ayaa galaaftay nolosha in ka badan shan iyo labaatan qof, oo dad rayid u badan.