War hada naga soo gaaray xarunta madaxtooyada dalka Soomaaliya ayaa shegaayo in khilaaf xoogan haatan soo dhex galay madaxweyne Farmaajo iyo ra’isulwasaarihiisa.
Farmaajo iyo Rooble ayaa isku khilaafay mudaharaadka lagu wado in maalinimada beri ah oo kadhaco magaalada Muqdisho waxaana lashegayaa in Rooble oo ku taliyay in dowlada qaadato doorkeeda ku aadan dibadbaxaas iyo sugida amniga.
Madaxweyne Farmaajo ayaa lasheegayaa in arinkaas oo diiday waxaana oo sheegay in dib loo dhigo war lagu waday in laga soo saaro xafiiska ra’isulwasaaraha oo ku aadanaa dibadbaxa.
Rooble ayaa caawa lagu waday in war kasoo saaro dibadbaxa kadhacaayo xarunta Daljirka Dahsoon ee soo qaban qaabiyeen musharixiinta mucaaradka.
Lasoco wixii kusoo kordha wararkaan