Somalidu waxay ku maahmaahdaa: (Nin Aniga yiri, Dad iska sooc) ( F.S: 1aad).
Ma rabo in aan Nafteeyda been u sheego si aan Qof kale u qanciyo.
Ummaddu waxa ey horuumartaa haddii wixii ey ku heshiisay ey si dhab ah u fuliso, markii Sharciga la dhoowro, Marka Runta la isku sheego, Markii Amarka Alle la fuliyo, Markii Qofku arragtidiisa uu u Gudbiyo si sax ah.( F.S: 2aad).
Kama tirsani kooxda loo yaqaan Muxaafid taageeraana uma ihi, kama tirsani kooxda loo yaqaan Mucaarad Taageerana uma ihi.
Waxa aan Aaminsanahay in Dalka uuna ka jirin Sharciyan Madaxweyne aan aheyn Madaxweyne hore, waxaa jira Laba Baarlamaan iyo Gudoonkoodii oo waqtigoodii dhamaaday, Waxaa jira Xukuumada KMG ah oo aan leheeyn Sharciyad Buuxdo. intaasi wax kasta oo cusub oo ey soo saaraan waqtiga la joogo ma noqonayaan wax leh Sharciyad heer Qaran ah. Dadka waxaa badanaa isaga Darsan Qaran iyo Xukuumad.
Ma jiro Madaxweyne Maamul Gobaleed ee waxaa jiro Gudoomiye Maamul Gobaleed. Gudoomiyayaashaa Mid waxaa Doortay Dadka deegaanka, Midna isaga ayaa is doortay Baarlamaankiisana isagaa Habeeystay ee Si toos ah Dadka deegaanku uma dooran.
Saddaxda kale iyaga iyo Baarlaamanadoodu ma ahan kuwa Dadka deegaanku ey Doorteen oo matali karo Sharci ahaan.
Beesha Caalamku in kasta oo Maalgalin laga Badbadiyay ey ku doodee in ey Somaliya ku Maal galisay, Haddana hab dhaqankeeda isticmaariga ah kuma raacsani. Doodna waan ka qabaa, ( F.S: 3aad).
Araagtideeydu waa taa, mana rabo in aan been kuu sheego, si aan kuu qanciyo, Anna aan Nafteeyda Been ugu sheego Xaqiiqdana aan ka fogaado.
Si Xal loo gaaro Runta ha la isku sheego, Khaladkii hore iyo kan hadda in la iska indha tirayo iyada oo aan la sixin, uma muuqato in la gaarayo Xal lagu horuumari karo Dalka.
Arrgatida aan aamin sanahay waa taa, meel kale ha iga raadin.
Qore: Yahya Amir.