Muqdisho:- Masiibooyinka dabiiciga ah ee ka dhacay dalka Indonesia tan iyo bilaawga sanadkaan ayaa galaaftay nolosha 213 oo qof.
Bayaan kasoo baxay hay’adda maareynta masiiboyinka ee dalkaas ayaa lagu sheegay in masiibooyin isagu jira duufaano iyo dhulgariir ay ka dhaceen dalka laga soo bilaabo 1 January ilaa 9 February.
Bayaanka ayaa intaas ku daray in masiibooyinkaas ay aad u sameeyeen ku dhawaad nolosha laba malyan oo qof sidoo kalena ay ku dhinteen 213 ruux.
Indonesia ayaa ka mid ah dalalka ay aadka uga dhacaan masiibooyinka dabiiciga ah.