Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay inay qorsheyneyso inay bilowdo barnaamij tallaal lagu gaarsiinayo guud ahaan shacabka dalka si looga hortagga cudurka Koroona.

Waxay sidoo kale sheegtay in shixnaddii ugu horreysay ee tallaaka uu dalka soo gaari doono bishan, waxayna barnaamijkan kala kaashan doontaa Ha’yadda Caafimaadka Adduunka, UNICEF iyo ha’yadaha kale ee ka shaqeeya caafimaadka si loo guda galo wajigaa koowaad ee tallaalka ka hortagga cudurka Koroona gudaha Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya in 1,224,000 xabbo oo tallaalka shirkadda Oxford-AstraZeneca la keeni doono dalka si boqolkiiba 20 bulshada ay u helaan tallaalka.

“Guud ahaan tirade guud ee tallaalka la gaarsiin doono waa 3,000,000 (saddex milyan) oo qof, tiradaas oo si gaar ah looga tallaali doono xanuunka coronavirus” ayaa lagu yiri war kasoo baxay wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya.