Wafdi ballaaran oo ka socda Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa goordhaw gaaray Gobolka Gedo, halkaasi oo dhawaan uu ka dhacay dagal khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh gaystay.
Wafdiga ka socda Dowladda Soomaaliya ayaa si gaar ah uga degay degmada Doloow ee Gobolka Gedo, waxaana uuu isugu jiraa wafdigu Wasiiro iyo saraakiil Ciidan.
Waxaana wafdiga hoggaaminaya Wasiirka warfaafinta Xukuumadda federaalka Soomaaliya Cismaan Abokor Dubbe isla markaana ay qeyb ka yihiin wasiirada Gaashaandhigga, Cadaaladda iyo Saraakiil Ciidan, waxaana halkaasi ay u tageen qiimeynta khasaaraha gaaray shacabka Beled-xaawo iyo u kuur galidda xaaladda guud ee deegaankaas.
Gobolka Gedo ayaa waxaa dhawaan ka dhacay dagaal khasaaro gaystay oo u dhexeyay Ciidanka Dowladda iyo kuwa Jubbaland, waxaana jiray Ciidan farabadan oo laga qabtay Ciidankii weerarka soo qaaday, waxaana Dowladda Soomaaliya ay ku sheegtay Ciidankaasi in ay ahaayeen Malleyshiyaad ay soo hubeysay Dowladda Kenya.